Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland oo is casilay

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi( Ciro) ayaa iska casilay Xilkii Gudoomiyenimo ee u hayay maamulkaas.

Gudoomiyo Ciro ayaa xilkan hayay mudo 12 sanadood ah ayaa Saakay Warqaddiisa Iscasilaada Horgeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland, waxaana kulanka Baarlamaanka Soo xaadiray 71 Mudane.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay cod u qaadaan Iscasilaada Ciro, waxaana ogolaatay 71 Mudane in uu iscasilo.

Xildhibaanada ayaa hadda leh kulan ay kaga hadlayaan sii wadida Shaqadda Xildhibaanada.

C/raxmaan Maxamed C/laahi  ayaa sidoo kale  ah guddoomiyaha xisbiga wadani.

C/raxmaan Ciro ayaa ah musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Wadani, waxaana uu rajo weyn ka qabaa in uu Somaliland Madaxweyne ka noqdo.

Degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa bilaha soo socda in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.