Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilka ka qaaday Masuul ka tirsan dowladda Hoose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto maanta xafiiskiisa ka soo baxday waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar C/raxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Sidoo kale wareegtada Guddoomiyaha ee xil ka qaadista ayaa waxaa wehlisa shaqo ka ruqseyn, kaddib markii ay soo jeedisay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Wareegtada magacaabis iyo xil ka qaadis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere Xaaji ay shaqo joojin ku sameysay C/kariin Iimaan Jimcaale.

Warbaahinta ayaa heshay nuqulada qoraalada ka soo kala baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Tan iyo markii Guddoomiye Taabid xafiiska la wareegay, waxaa uu maamulkiisa qaadayay tallaabooyin xil ka qaadis iyo magacaabis taxane noqotay.