Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo AMMISOM kala hadlay dilkii ay dadka Shacabka ahaa u geystay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in uu la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM oo uu kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ciidankii ka dambeeyay dadkii Shacabka ahaa ee shalay lagu dilay Hilwaa.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Waxaa uu sheegay in taliyaha ciidanka AMISOM uu u ballanqaaday in ay tilaabo ka qaadi doonaan Ciidanka dhibka geystay,islamarkaana uu la kulmi doono Ehellada dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

“Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday” ayuu yiri Markale Gudoomiye Yariisow