Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo safarkiisii ugu horreysay shalay ku yimid magaalada Muqdisho ayaa isla maanta bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo madaxda sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Aw-Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kula kulmay wasiir Cali Yuusuf Cali Xoosh oo dadaal ku bixiyay dhismihii Waqooyi Bari.

Ujeedka kulankooda ayaa la xiriiray is xog wareysi iyo wada-shaqeyn dhow oo ay yeeshaan hay’adaha heer federaal iyo heer dawlad-goboleed ee Waqooyi Bari, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

“Kulankan oo ku qotomay salaan iyo is-xogwaraysi ayaa labada masuul ku muujiyeen kalgacal iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhaxaysa hay’adaha dawliga ah ee heer maamul goboleed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa wasiirka uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyey, halka wasiirkuna dhankiisa ku bogaadiyey doorka Golaha Wakiillada ee ku aaddan horumarinta iyo hagidda maamulka.

Waxaa kale oo kulankan guddoomiye Aadan Aw-Xasan ku wehelinayey qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada, kuwaas oo muujiyey in ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Waqooyi Bari ayaa sidoo kale la ballansan madaxda sare ee dalka, isaga oo inta uu joogo kala hadli doono horay wadida maamulkan curdunka ah oo ay dhawaan dhistay Dawladda Federaalka oo si weyn u garab istaagtay dhismihiisa.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo in dhawaan la qabto xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye, taas oo ka dhaceysa Laascaanood, iyada oo la filayo inay ka qayb-galaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Shalay ayaa u dambeysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ayaa boggaadiyay dhismaha maamulkan, wuxuuna ugu baaqay hoggaankiisa inuu wax ka qabto xaaladda deegaanka, uuna sii daayo maxaabiista xiran.