Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo u waramay warbaahinta ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii xildhibaano taageersan Cosoble ay sheegeen in ay xalay ku sameeyeen isaga.
Xildhibaanada oo sheegay in ay kulan ku yeesheen xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa kulankooda waxaa soo xaadirtay 54 xildhibaan, waxaa ogolaatay in Sheekh Cusmaan xilka laga qaado 52, halka midna uu diiday, midka kalena uu ka aamusay.
Waxa uu sheegay wararka la xiriira in xilka qaadis lagu sameeyay keliya in uu ka arkay baraha bulshada, aysana jirin xildhibaano ku kulmay xarunta Baarlamaanka, wararka la sheegayana ay yihiin kuwo sal iyo raad midna aan laheyn.
Gudoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ay maanta kulmayaan xildhibaanada Baarlamaanka, ayna ka shirayaan arrimaha la xiriira Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo sidii loo sameyn lahaa Guddiga Doorashada.
“Warkaas website-yada ayaan ka arkay, wax ka jira malahan xilka qaadista la sheegay in la iigu sameeyay, xarunta Baarlamaanka aniga ayaa ku sugan, xildhibaano shiray ma lahan, Baarlamaanka maanta kulan ayay leeyihiin, waxaana looga hadlayaa arrimaha la xiriira Doorashooyinka Madaxweynaha Hirshabeelle”. Ayuu yiri Sheekh Cusmaan.
Sidoo kale Sheekh Cusmaan ayaa sheegay hada Hirshabeelle in aysan la heyn Madaxweyne, isaga oo sidoo kale tilmaamay Cali C/laahi Cosoble in uu yahay qof shacab ah, maadaama xildhibaano gaaraya 68 ay maalmo ka hor kalsoonidii kala laabteen.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa u kala jabay laba qeybood, oo kala taageersan Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble iyo Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, waxaana hada maamulka Hirshabeelle ka taagan siyaasad cakiran oo u baahan rug cadaa siyaasadeed.