Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa taageeray xildhibaanadii galabta ku shiray magaalada Cadaado ee ku dhawaaqay iney xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Cali Gacal Casir oo goor dhow la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in xilka ka qaadista ay u dhacday si sax ah oo waafaqsan dastuurka Maamulkaas.
“Dhowaan waxaan magacaabeynaa guddiga doorashada Madaxweynaha cusub arrimahaas oo dhan iyo xiliga la qabanayo doorashada dib ayaan ka soo sheegeynaa ayuu yiri Gudoomiye Cali Gacal Casir.
Xildhibaano sheegay iney tiradoodu gaareysay illaa 55 xildhibaan oo galabta ku shiray magaalada Cadaado ayaa caawa shaaciyey iney xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf oo la aaminsan yahay inuusan aqbali doonin xilka ka qaadistan.
Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ayaa meel aad u adag mareysa, waxaana khilaafka hareeyey maamulkaas uu u muuqdaa inuu haatan faraha ka baxay oo uu gaaray heer aan waxba laga qaban Karin.