Guddigii Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya u magacawday inay soo baaraan dhacdadii Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxa ay gaareen degaankaasi.
Guddigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.
Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Degaanka Bariire oo lagu dilay dad gaaraya 10 qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Caruur, waxay wareysiyo fool-ka-fool ah la yeelan doonaan dadka degaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda wixii ka dhacay degaankaasi
Guddigaan, ayaa waxa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee dadkii lagu dilay Bariire, waxayna ka codsadeen inay u raacaan Degaanka Bariire.
Labo maalin oo kaliya ayaa Guddigaan u hartay waqtigii loogu tala galay in ay jawaab ka keeneen waxa ay ahaayeen dadkii lagu laayay Bariire.