Gudiga difaaca BFS oo sheegay in Maxkamad lasoo taagayo Saraakiil Ciidan

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo sharcigana la waafajinayo saraakiishii ku lug lahayd kufsiga iyo tacadiga ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in shacab fara badan lagu dhibaateeyay gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo ku safraya sidaasi darteedna loo baahan yahay in la helo cid qaadata Masuuliyadaas oo loo maxkamadeeyo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu ka shaqeynayo furista wadooyinka xeran ee gobolka Sh/hoose.

 Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka golaha shacabka ay u bandhigeen la xisaabtanka ciidanka iyo Saraakiisha ka hawlgasha gobolka Sh/hoose.

Waxa uu tilmaamay in xubno ka tirsan guddiga difaaca ay xog wareysi u tageen degaano ka tirsan gobolka xaalado adagna ay ka jiraan degaanada ay tageen ee gobolka Sh/hoose.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho ay ku kulmeen guddoomiyaha golaha shacabka iyo Xubnaha guddiga difaaca ee golaha, waxaana kulankaasi intiisa badan looga hadlay xaalada gobolka Sh/Hoose.