Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga oo sheegay in Hubka laga mamnuucay Muqdisho

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in la mamnuucay in hub lagu iibiyo ama lagu wato magaalada, isagoo caddeeyay in tallaabo laga qaadi doono cidii lagu arko.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in howlgallo laga sameeyay magaalada lagu soo qabtay hub, isagoo tilmaamay in ammaanka magaalada uu wax iska bedelay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in degmada Wadajir ay aheyd meel ka caagan ciidanka, isla markaana lagu keydsado hubka, isagoo xusay in howlgal laga sameeyay lagu soo qabtay hub.

“Maalmihii u dambeeyay qeybo ka mid ah degmada Wadajir waxay aheyd goob ka caagan ciidanka oo hub lagu keydsado, dadka jooga meeshaas ciidanka tallaabo ka qaadeen, hub badan ayaa lagu soo qabtay, waxaa mamnuucay in hub lagu iibiyo magaalada”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga Gobolka Banaadir.

Waxaa uu intaa ku daray inay dhici karto goobo si qarsoodi ah hubka lagu iibiyo, balse haddii ay ogaadaan ay tallaabo ka qaadi doonaan, isla markaana aanay ogolaan doonin goob cirtoogte oo kale inay magaalada ku dhex taalo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira goobi si qarsoodi ah hubka loogu iibiyo oo loogu magac daray Cirtoogte, waxaana dhowr jeer ciidamada ammaanka howlgalo ay sameeyeen ku soo qabteen hub fara badan, hadana taas ma hakin suuqyada madow ee hubka lagu iibiyo.