Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo Sheegay Inuu Sharci yahay Mooshinka Laga Keenay Gudoomiye Jawaari

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muuday ayaa ku dhawaaqay in Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid sharci ah.

Shir jaraa’id oo uu caawa qabtay ayuu Guddoomiye ku xigeenka ku shaaciyey inay caddaatay inay been abuur ahayd warkii lagu sheegay in xildhibaanaadii la sheegay inay ka noqdeen mooshinka ka noqdeen, wuxuuna intaas ku daray in Mooshinka uu qabtay sharci yahay, isla markaana uu buuxiyey dhammaan shuruudihii laga rabay mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka.
“Mooshinka wuxuu sharci noqday marka la ii keenay oo aan fiiriyey, sharcinimadiisa ay dhameystirantay, kadibna aan saxiixay ayuu sharci noqday… waxaan rabaa idin sheego inaan lagu wareerin sharcinimada Mooshinka,.. qaabka uu mooshinka u shaqeyn lahaa aniga ayaa iskale, waana dhaqan galay mooshinkaasi..” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/Weli Ibraahim Muudey.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo ay galabta guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka iyo guddoomiye Jawaari ku dhawaaqeen in la laalay mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaario markii uu buuxin waayay tiradii laga rabay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Muudey ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ay ahayd inuu isagu u yeero, shirkooduna uu ahaa sharci darro. Mudane Muudey ayaa hadda lagu wadaa inuu guddoomiyo kulanka Baarlamaanka ee looga doodayo Mooshinka Jawaari iyadoo Baarlamaanka Federaalka Qarka u saaran yahay inuu laba qeybood u kala jabo.