Wararkii ugu danbeeyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad ay ciidamo hubeysan la galeen xarunta Baarlamaanka.
Gudaha xarunta ayaa waxaa ku sugan xildhibaanno kooban, waxaana dib loo dhigay inay galaan xildhibaanno kale, kadib markii ay ilaalo hubeysan iyo ciidamo la galeen gudaha Jawaari iyo Mahad Cabdalla, waxaana wararku sheegayaan inay socdaan waanwaan ku saabsan in ciidamada laga saaro xarunta baarlamaanka.
Guddoomiye xigeenka koowaad xigeenka C/weli Muudey ayaa dalbaday in ciidamada laga saaro Baarlamaanka si shirku u furmo, isagoo aan weli tegin xarunta wuxuuna xildhibaannada u sheegay inaysan gelin xarunta Baarlamaanka inta laga saarayo ciidamada hubeysan.
Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida oo guddoomiye Jawaari ka dalbaday inuu ciidamada ka saaro xarunta Baarlamaanka ayuu ku gacan seyray, wuxuuna u sheegay inuu isagu ka taliyo Baarlamaanka, taliyeyaasha ayaa la sheegay inay la-tashi ugu laabteen madaxweynaha.
Jawaari iyo Mahad Salaad ayaa u muuqda inay awood ciidan adeegsanayaan, taasoo ah xaalad aan looga baran guddoonka baarlamaanka.