Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax lagu dhawacay gudooomiyaha degmada degmada Cadalle.
Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, kaasoo qabsaday gaari uu la socday Guddoomiyeha degmada Cadalle Maxamed Muuse agagaarka degaanka Garsaale xilli uu ku socdaalayay jirka u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.
Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Jowhar oo markii hore uu ku socday, iyadoo wararku sheegayaan in dhaawaciisa uu yahay mid culus, waxayna arrintan ka mid tahay qaraxyo ku soo batay wadadda isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Alshabab ay sii kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan.