Guddiga Xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay dadka baahiyaha gaarka qaba qeybahooda kala duwan.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Sharciga Nadaafada Qaranka iyo sharciyada kale ee dadka baahiyaha gaarka qaba ee golaha shacabka iyo golaha wasiirada horyaalla.
Dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa kulanka ku soo bandhigay waxyaabaha ay kaga baahan yihiin baarlamaanka iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan dowladda dhexe.
Sidoo kale dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa kulanka ka sheegay in dowladda aysan tixgelin codsiyada dadka baahiyaha gaarka qaba sida in dowladda ay ka qeyb geliso fakaaraha siyaasada, guddiga madaxa banaan ee la dhisayo iyo in si siman loo shaqaaleysiiyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo dadka caadiga ah marka ay yimaadaan fursado shaqo.
Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul-insaanka iyo Arrimaha Haweenka Xildhibaan Xaawo Yuusuf Axmed ayaa kulanka ka dib la hadashay warbaahinta.
Qeybaha kala duwan ee dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa dowladda Soomaaliya inta badan ku dhaliila in aysan siin mudnaantii ay lahaayeen sida Fursado shaqo, waxbarasho, Caafimaad iyo in marka ay booqanaya Xafiisyada dowladda ay helaan meel ay maraan.