Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Qorshahooda ku aadan Doorashada 2021-ka

Guddiga Madaxa banaan ee dooroshoyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay  in ay isku diyaarinayaan  in Dalka  ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro Sanadka 2021 doorashaas oo la qorsheyay in ay ka duwanaato kuwi horay  uga dhici jiray Dalka  iyadoo Guddigu  madaxa banaan  ee doorashooyinka qaranka ay mudooyinkaan ku howlanaayeen diyaarinta hananka loo marayo doorashoyinka Dalka.

Sayid Cali Shiiq maxamed  gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banan ee doorashooyinka qaranka iyo Khaliif Maxamed Ducaale la taliyaha dhinca sharciga gudiga madaxa banaan oo maanta ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay gudiga iyo waxyaabaha ay hiigsanayaaan Sanadka 2021 oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Dalka ka dhacayso doorasho

Marka lagaaro Sanadka 2021 ayaa waxaa lagu wadaa in ay Dalka ka dhacdo doorosho qof iyo Cod ah waxaana jira u diyaar garoow xoogan oo ay wadaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranku.