Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare ayaa war kasoo saaray Khilaafka Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug oo gaaray heerkii ugu sareeyay.
Kulanka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay ku baaqeen in si deg deg ah loo soo afjaro Khilaafka ragaadiyay Howlaha Hay’addaha maamulka Galmudug.
Waxa ay sheegeen in Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ay ku howlan yihiin sidii loo Afjari lahaa Khilaafka, islamarkaana Madaxda ugu Sareysa Galmudug laga rabo in ay ilaaliyaan Sharciga.
Aqalka Sare waxa ay sheegeen In aan marnaba aan la aqbali karin inay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug(xukuumad iyo baarlamaan) iyada oo golaha aqalka sare uu ku jiro dadaalo ku dhex-dhexaadinayo dhinacyada khilaafka Galmudug isla markaana aqalka uu garwadeen ka yahay sidii loo heli lahaa xal waara oo ay wada gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
War kasoo baxay Golaha Aqalka Sare oo uu warbaahinta u aqriyay Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in la joojiyo Mooshinada hareer Marsan Sharciga ee waxyeelleeyay Hanaanka Siyaasadda Galmudug.