Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Xisaabiyaha ee Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay magacaabista Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo noqday Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.

Maxamed Dheere ayaa horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, wuxuuna leeyahay khibrad ballaaran oo la xiriirta maamulka maaliyadda iyo nidaamka xisaabaadka dowladda. Magacaabistiisa ayaa timid iyadoo xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Anas, oo xilkan hayay tan iyo bishii April ee sanadkii 2023.

Xisaabiyihii xilka baneeyay,  Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa war uu soo dhigay baraha Bulshada ku caddeeyay in go’aanka uu xilka uga tagay uu yahay mid isaga u gaar ah, islamarkaana uu Madaxweynaha u gudbiyay is-casilaaddiisa 31-kii August 2025, si loo helo waqti ku filan oo lagu diyaariyo kala-guur habsami leh.

“Anigoo ah Abdirahman Mohamed Anas, waxaan marka hore si qoto dheer ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud, oo igu aaminay xilkan muhiimka ah, Sharaf ayay ii ahayd in aan xilkan ku qabto aniga oo aanan codsan, balse uu Madaxweynuhu ii gartay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu sidoo kale xusay in muddadii uu xilka hayay uu horseeday isbeddello muhiim ah oo dhanka maamulka maaliyadda ah kuwaas oo sare u qaaday hufnaanta, isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maaliyadeed ee dalka.

Magacaabista cusub ayaa la filayaa inay sii xoojiso dadaallada dowladda ee la xiriira hagaajinta maareynta dhaqaalaha, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu ay ku adkeysaneyso in la dhiso nidaam maaliyadeed oo hufan, casri ah, oo u adeegaya horumarka qaranka.