Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Shir deg deg ah uga socdo xarunta Villa Somalia

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ku leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaasoo albaabada ay u xiran yihiin.

Shirkan oo bilowday kaddib salaadii maqribkii ayaa socda muddo ka badan labo saacadood, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlayo shirkaas.

Inta badan shirarka deg deg ah ee Golaha Wasiirada ayaa ahaa mid aad u koobnaa oo marka xaalad soo kororta ay dhici jireen shirarka aan caadiga aheyn ee deg deg ah.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee Galmudug iyo eedeymaha Madaxweyne Xaaf u soo jeediyay dowladda Federaalka oo ah in faragelin ku heyso maamulkiisa.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa isku khilaafsan go’aanka dhex dhexaadnimada ee dowladdu ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo maamul goboleedyada ay la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Shirkii ugu dambeeyay oo deg deg ay xilli habeen yeeshaan Golaha Wasiirada waxaa uu dhacay bishii May ee sanadkan, xilligaasoo xilka laga qaaday Hanti Dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax, kaddib dilkii Ilaaladiisa u geysteen Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji.