Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo ku shiraya magaalada Cadaado

Waxaa magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ka socdo kulamo Gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Wasiirada ayaa waxa ay ka hadlayaan arrinta khilaafka ka dhex abuurtay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug kadib Wareegtadii ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf oo lagu taageeray Xulufada Sacuudiga.

Golaha Wasiirada oo uu shirkoodii weli ka socdo Cadaado ayaanan weli wax faah faahin laga helin balse Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in ay macquul tahay in ay ku taageeraan Madaxweyne Xaaf talaabadii uu qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa siwadajir ah waxa ay u sheegeen in Go’aankas uu ahaa mid aan lagala tashan halka Madaxweyne Xaaf uu isna sheegay in horumarka Galmudug uusan cidna kala tashaneyn.