Golaha Aqalka Sare oo maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee Dowladda iyo M/Goboleedyada

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta  kulan ku yeelanaya Magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa shir gudoomin doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaana looga doodi doonaa Khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyayaasha Maamul Gobolleedyada.

Xildhibaan ka Tirsan Golaha aqalka Sare ayaa sheegay in qodobkaan ay soo gudbiyeen xildhibaano ka Tirsan aqalka Sare islamarkaana maanta ay xildhiabanada ka doodi doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa Madaxda Maamul Gobolleedyada isugu yeeray 28-ka Bishaan in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si Khilaafka jira loo Xaliyo.