Golaha ammaanka oo ansixiyay in ciidamo dheeraad ah la geeyo Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ay oggaalansho u siiyeen waddamada Midowga Afrika inay ciidamo dheerad ah geeyaan Soomaaliya ilaa 31 bisha August ee sanadkan.

Golaha ammaanka ayaa ku sheegay xaaladda Soomaaliya inay wali qatar ku tahay nabad-galyadda caalamka,taaso qasbaysa in la xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta ka shaqeynaya ee Amisom.

“Waxaa la go’aamiyay in xaaladda Soomaaliya ay wali qatar ku tahay nabadda caalamka iyo ammaanka gobolka.” ayaa lugu yiri qoraar uu tirsigiisu ahaa 2355 oo ka soo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Golaha waxaa kalo ay go’aamiyeen tiro ka badan 22,126 oo askari inaysan ka badan karin ciidamada Amisom ee howlgallada ka wada gudaha Soomaaliya,tirada ayaa hadda jogta dalka.

10 sanno ayuu socda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,walina khatarro amni ayaa dalka ka jira,balse howlgalka ayaa ku guuleysay meelo badan inay dowladda maamusho oo laga saaro ururka al-Shabaab..