Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay degaanka Baar oo 30-km u jira Baledweyne ay ku dileen labo haween ah iyo sidoo kale labo caruur ah waa sida ay sheegayaan dadka degaanka.
Dadkaan shacabka ah ee la dilay ayaa loo dilay aanooyin qabiil sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dhawaan ayey aheyd markii degaankaasi ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyo maleeshiyaad halkaasi wada daga.
Sidoo kale maalintii Khamiista ayay ahayd markii amar kasoo baxay maamulka Hirshabeelle lagu sheegay in dagaalada kusoo laalaabtay magaalada Beledweyne iyo Nawaaxigeeda ay eedeeda dusha saaran doonaan odoyaal dhaqameedka Beelaha Dirirtu ka dhaxeyso.
Waxii faahfaahin ah ee kusoo kordha halkan kala soco inshaa allah