Germany: Qaasaaro ka dhashay shil Tareen iyo Gaari isku dhacay (SAWIRRO)

Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen tareen nooca Goboladda iskaga goosha ee loo yaqaano Regionalle iyo gaadhi nooca xamuulka ah 
Shilkan ayaa ka dhacay magaaladda Alt Duvenstadt oo u dhaxaysa Hamburg iyo Falensberg.

Shan ka mid ah Labaatanka qofood ee dhaawacmay ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa, halka inta kala ay dhaawacyo sahlan qabaan.


Booliska ayaa xiray qeyb ka mid ah wadooyinka tareenada kadib si loo xaqiijiyo xaalada, waxaana weli sonda baaritaan la xiriira waxa dhaliyay in gaarigan uu soo galo jidka tareenka.

Goobsan Media,

Bremen-Germany