Germany: Muhaajiriin Xabsi lagu Xukumay.

Afar dhalinyaro ah oo ka soo kala jeeda dalalka Afghanistan iyo Iiran ayaa lagu kala xukumay 2 sano ilaa lix bilood oo xabsi, kadib markii ay weerareen dad shacab ah oo daganaa Xaafada Bavarian ee magaalada Amberg,

Weerarkan oo ay ku dhaawacmeen 15 qofood ayaa dhacay habeenimadii 29 kii bishii December ee dabayaaqadii sanadkii 2018 kii xiligaas oo ay socotay dabaaldega sanadka cusub.

Eedaysanayaashan ayaa qirtay danbiga lagu soo oogay waxayna ku doodeen in xiliga falkan geysanayeen ay isticmaaleen Maandooriye,

Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha jarmalka Stephan Mayer ayaa Wargeyska Bild newspaper u sheegay in wadanka laga eryo qaxootigii ku kaca fal amniga lidi ku ah, ama la xiriira kufsi.

Goobsan Media Inc. Copengehan, Denmark.