Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood ayaa beeniyay in uu goostay oo uu waddo Abaabul Jamhadeyn ah.
Caanood ayaa si adag u beeniyey inuu ciidan la goostay oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo, islamarkaana uu ka Carooday xilka qaadistii lagu sameeyay.
Jeneraalku wuxuu sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray ayaga iyo Al Shabaab magaalada Marka, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya maanta si buuxda ula wareegeen degmada Marko.
Wuxuu intaa ku daray Jeneraal Caanood inuu xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Jeneraal Caanood iyo gaadiid dagaal oo ilaa afartameeyo gaaraya waxay ku sugnaayeen degaanno kala duwan oo gobolka Shabeellaha hoose ku yaalla, waxaana soo baxayey warar sheegaya inay kala boodsan yihiin isaga iyo dawladda, hadalladaas oo uu isagu meesha ka saaray.