Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, balse hada arrintaasi ay dhamaatay.
Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan.
General C/laahi Xasan Bariise ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana soo gudbiyaan ragga falalka amni daro geysanaya.
“Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii bishii July ee sanadkan isbedel cusub ku sameysay talisyada Booliska, Nabad suggida iyo Taliska guud ee ciidamada Taraafikada, taasi oo qasabtay in la baabi’iyo Taliskii NISA ee gobolka Banaadir, iyada oo looga gol leeyahay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.