Gawaari lagu kontoroolaya xaduudaha dalka oo ku shaqeeya dhiiga dadka ayaa lagu warejiyay Hey’adda socdaalka Soomaaliya (SAWIRO)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa manta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari  loogu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.

Gawaridaan ayaa ah kuwo  Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridaan sheegayaan in la ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay si sharci darro ah u gudbaan, waxaana ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada  ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin, islamarkaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo goobta ay ka gudbayaan dadkaasi.

Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya, waxaana manta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa.