Gargaar lasoo gaarsiiyay Dowladda Soomaaliya (Sawiro)

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekedda Magaalada Muqdisho kula wareegtay Markab sida Shixnad gargaar ah oo ka timid Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Deeqdaan ayaa waxaa loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana ay gaareysa 13 kun oo tan.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan lasoo marsiiyay ayaa waxa ay sheegtay in ay sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaarda Gargaarka dowladda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane  ayaa uga maahdceliyay dowaldda Turiga garab istaaga Shacabka soomaaliyeed iyo deeqdan ay maanta ku wareejiyeen.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo isna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga ay mar walba siiwadi doonaan taageerida iyo waliba gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Deeqdaan isgu jirta Cunada noocyadseeda kala duwan iyo dawada ayaa dowaldda Soomaaliya waxa ay balan qaaday in ay dhamaan gaarsiin doonto Maamul goboleedyada dalka ka jira

Sawiro