Gargaar ka socday Kooxda The Love Army for Somalia oo Maanta muqdisho Laga soo dajiyay (SAWIRO)

Diyaarada Turkish Airline nooca xamuulka qaada ayaa Maanta Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gargaar ay soo direen kooxda Samafalayaasha ee la magac baxay The Love Army for Somalia,

Kooxda Love Army for Somalia oo dhawaan balan qaaday inay gargaar gaarsiin doonaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen eek u nool gudaha Soomaaliya. ayaa maanta markii ugu horeysay soo gaarsiiyay deeq isugu jirta Cunto, Daawo iyo qalab kale oo asaasi ah.

Sidoo Kale maamulka DiyaaradaTurkish Airlines ayaa sheegay dhankooda in iyagoo ka damqanaya Macluusha ka jirta Somalia iyo baahida dhinaca Gaadiidka ee soo-daabulista kaalmooyinka ka imanaya dalalka caalamka inay si bilaash ah dayuuradahooda u adeegsan doonaan soo daabulida,

Kooxda Love Army for Somalia ayaa sheegay inay ka go’an tahay taakulaynta iyo garab istaaga dadkan abaaruhu ku dhufteen ee ku nool Soomaliya,