Gabar Soomaali ah oo lagu dilay London

Inaalilaahi Wainalihi rajucun gabadh Somali ah oo lagu dilay London iyadoo Shaqo u Socota

London – Qoyskeeda iyo bulshada Xaafada Romford ee London ayaa Sheegay inay ku waabristeen xaalad murugo l iyo argagax leh kadib markii dil fool xun loo geystay Zahwa Salah Mukhtar, oo ahayd gabar 27 jir ah.

Subaxnimadii hore ee Sabtidii, Zahwa ayaa laga helay iyadoo dhaawacyo culus oo halis ah ku yaallan, jidka Chadwell Heath Lane ee xaafada Romford.

Inkastoo adeegyada gurmadku isku dayeen inay badbaadiyaan wax yar ka dib waxaa lagu dhawaaqay inay goobta ku dhimatay. Booliiska Metropolitan ayaa kiiska u aqoonsaday inuu yahay fal dil ah, waxaana socda baaritaan ballaadhan.

Illaa hadda, booliisku waxay xireen afar nin:

Nin 35 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dilka inuu gaystay isagu

Saddex nin kale oo da’doodu u dhaxayso 21–35 jir oo lagu eedeeyay inay ka caawiyeen dambiilaha falka dilka ah

Booliiska ayaa sheegay in dadka la xidhay ay ahaayeen kuwo hore u yaqaanay Zahwa taas oo muujinaysa in kiisku uusan ahayn dhacdo shil ama weerar guud, balse uu ahaa fal lala beegsaday oo ahaa ku talo gal

Sida Qoyskeedu sheegay Zahwa waxay ahayd qof naxariis badan, jacayl badan lehna himilooyin nololeed oo sare. Balse waxaa soo af jaray Naxariis laawe nolosheeda

Booliiska ayaa shacabka ka codsaday in haddii ay hayaan xog ama muuqaal CCTV ah oo kusaabsan dhacdada, ay si degdeg ah ula soo xiriiraan iyagoo adeegsanaya lambarka tixraaca kiiska 1625/16Aug

Dhacdadan ayaa dhalisay dareen ballaadhan oo ku saabsan ammaanka bulshada, iyadoo booliiska iyo maamulka deegaanka Romford ay ballanqaadeen inay kordhiyaan joogitaanka booliiska si ay u xaqiijiyaan badbaadada dadka deegaanka.

Ilaa hada boolisku ma sheegen dadka loo hayo dilka waxay yihiin Laakin wuxuu sheegay inay yihiin dad hore u yaqaanay gabadha