Gaari ay lahaayeen ciidanka AMISOM oo maanta ku gubtay KM4 (Sawiro)

Mid ka mid ah Gawaarida Ciidanka AMISOM ay leeyihiin ayaa duhurnimadii maanta wax uu ku gubtay Nawaaxiga Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka Aadan Cadde.

Dabka ka kacay Gaariga oo xooganaa ayaa waxaa sababay Maanso ka kacday Batariga, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Gaariga dabka qabsaday ayaa gubanayay in muddo ah waxaana dadka loo diiday inay  udhowaadaan, iyadoo laga cabsi qabo inay qarxaan qalab iyo hub saarnaa gaariga, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska.