France: Qarax ka dhacay magaalada Lyon (SAWIRRO)

Qarax ayaa ka dhacay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, kadib waxyaabo qarxa oo la dhigay wadada Victor-Hugo , waxaana la soo weriyay qasaare uu dhaliyey qaraxa.

Ciidamada Booliska France ayaa sheegay in qaraxa uu geystay dhaawacyo gaaraya ilaa 8 qof oo ay ku jirto gabar yar oo 8 sano jir ah, wuxuuna ka dhacay bartamaha magalada Lyon, iyadoo qaraxa lagu sheegay in argagixiso, waxaana baaritaan wada ciidamad ka hortagga argagixisada iyo Booliska dalkaasi.

Wararka ayaa sheegay in Nin looga shakisan yahay uu booliska raadinayo, kaasoo watay Baaskiil oo bac ay ku jiraan qaraxyada uga tagay meel u dhow Foorno, waxaana ciidamo badan la geeyay magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka France, sida uu amray Wasiirka arrimaha gudaha France Christophe Castaner.