Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar “SAWIRRO”

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Farmaajo oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

“Safarka  waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen  Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal, iyada oo mudane Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah.