Fanaan Cumar shooli oo Muqdisho ku geeriyooday .

Magaalada Muqdisho waxaa uu ku geeriyooday Madaalihii hobada waaberi Cumar Cabdulle Shooli oo waayihii dambe la xanuunsanayay cudurka macaanka oo naafeeyay qaybo kamid ah jirkiisa.

Cumar shooli waxa uu ku dashay Degmada Afgooye 1940-kii, waxaana uu ku geeriyooday 80-sano sida uu xaqiijiyay wiilkiisa Axmed Cumar Cabdulle Shooli.

Abwaan Xirsi Dhuux Yuusuf Guddoomiyaha Golaha Abwaanada oo la hadlay Goobsan Media waxa uu ka xog-waramay taariikhda AUN Cumar Shooli, doorkii uu ku lahaa fanka xiligii Dowladii kacaanka iyo shaqsiyadiisa waxa uu ka garanayo.

“Allaha unaxariisto Cumar Cabdulle Shooli waxa uu ahaa howl kar uu ku muteysay Magaca ah Madaalaha Hobolada Waaberi, fanka waxa uu bilaabay dhowr iyo lexdankii, todobaataneeyadii waxa uu ku jiray fanaaniintii lagu aas-aasay Hobalada Waaberi, Cumar waxa uu sidoo kale ahaa nin aan balwad lahayn, waxaana uu ifka kaga tagay 21-carruur ah iyo tiro kale oo ay awlaadiisu sii dhaleen” ayuu yiri Abwaan Xirsi Dhuux.

Abwaan Xirsi Dhuux waxa uu dib u xusuustay ereygii ugu dambeeyay ee Cumar Shooli uu ku sheegay wareysi uu dhawaan siiyay mid kamid ah Teleefishinada Maxaliga ah, isaga oo jiifa sariirta isbitaalka.

“Muuqaalkiisa waxaa ku jiray hal erey oo Murug leh oo ahaa, Soomaalida dadka haddii ay xanuunsadaan qofna kor ayaa loo qaadaa, qofna lama daneeyo, waxaana taasi ay ahayd fariin uu u diray Soomaalida” ayuu yiri Abwaan Xirsi Dhuux Yuusuf.

Mustaqbal waxa ay weydiisay Abwaan Xirsi Dhuux sababta kolka ay xanuunsadaan Fanaaniinta ay u waayaan daryeel caafimaad iyo dadaalo kala duwan oo xitaa niyad dhis u noqon karta.

Abwaanka ayaa ku jawaabay “Fanaaniintu waxna iyaga ayaa ka mas’uul ah, waxna Dowladda ayaa uga mas’uul ah, haddii ay suugaantooda gelin lahaayeen xuquuqda lahaanshiyaha (Copyright) waxa ay heli lahaayeen dhaqaale ay ku kaaftoomi karaan, fanaaniinta ku faca ah Cumar Shooli ee dalalka kale ee caalamka waxaa u socota lacag ay ka helayaan suugaantooda”.

Cumar Shooli waxa labadii sano ee lasoo dhaafay kunoolaa gudaha dalka, maalmihii lasoo dhaafay waxa uu ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeyn xalay ku geeriyooday.