Fahad Yaasiin oo si rasmi ah maanta ula wareegay xil horay loogu magacaabay

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay, labo todobaad kaddib markii xilkan uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safaro dibadda ugu maqnaa, markii la magacaabay, waxaa la sheegay inuu tagay dalka Qatar, gaar ahaan magaalada Doxa, isagoo iska soo casilay shaqadii uu Xarunta Dhexe ee Al Jazeera ka hayay.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu xilka ku wareejiyay Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, maadaama uu dalka ka maqan yahay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Abuukar Baalle.

Mr Fahad Yaasiin ayaa si rasmi ah isla maanta ugu fariistay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana isha lagu hayaa sida uu ku maamulo Villa Soomaaliya oo ah muraayadii dalka.

Marka laga soo tago inuu ahaa Wariye caan ah oo ka shaqeeyay Telefishinka afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera, Fahad waa nin degan, af gaaban, tixgelin badan, waxaa la sheegaa in saameyntiisa siyaasada ay soo if baxday  sanadkii 2012, xilligaasoo doorar aan qarsooneyn ka soo qaatay doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa uu kaalin ka soo qaatay doorashadii Farmaajo ee sanadkan.