Qarax khasaare geystay ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.
Qaraxan ayaa ahaa mid Ismiidaamin ah kaasi oo si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay, waxaana uu si gaar ah uga dhacay xerada Koongo ee Magaaladaasi.
Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen Saddex Qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka midka kalena uu ahaa Ismiidaamiyihii Qaraxa fuliyay, kaasi oo xirnaa Jaakad waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.
Sidoo kale waxa uu sheegay Axmed Carab Qaraxan in uu ku dhaawacmay Askarigii ka hortagay, kaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Sidoo kale afhayeenku waxa uu ku baaqay in kooxaha falkan geysta laga foojignaado shacabkana laga difaaco ayadoo si wada jir ah loola dagaalamayo.
Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland oo daqiiqado kadib gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.