Qarax Nuuca Gaariyaasha lagu xiro ah ayaa waxa uu ka dhacay Wadadda aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray nin la sheegay in uu ahaa Tagsiile,islamarkaana Gaarigiisa uu la qarxay xili uu marayay agagaarka Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.
Ninkii gaariga loogu xiray Miinada ayaa la sheegaya in uu geeriyooday halka ruux kale oo gaariga la saarnaa uu dhaawac soo gaaray,waxaana Goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hada Goobta ku sugan.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay Masuuliyiinta soo gaartay goobta uu qaraxa ka dhacay iyo Waxyaabaha sababay in ninkaan Gaarigiisa lagu xiro Qaraxa.