Faahfaahinta Diyaaradii ku dhacday magaalada Garbahaarey

Diyaaradii ku dhacday Garoonka magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa lasoo sheegayaa in ay u rarneed Hey’adda cuntada aduunka ee WFB.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Garbaahareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegay in Diyaarada ay siday Raashin loogu tala galay Dadka abaarta ay saameysay ee ku sugan Magaalada Baardheere.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in diyaarada ay ku dhacday Guri dad rayid ah ay degan yihiin Balse wuxuu xaqiijiyay inaysan jirin khasaaro ka dhashay marka laga reebo in Diyaarada oo qeyb kamid ah gubatay.