Wararka ka imaanaya degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka yimid Magaalada Baledweyne ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaal socday muddo saacaddo ah ayaa halkaasi ka dhacay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 6 qof oo ah labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.
Farlibaax ayaa dhawaan Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxaa uu u magacaabay degmo, waxaana ciidamada dowladda ay isku diyaarinayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada hoos yimaada Farlibaax.