Faahfaahino laga helaayo duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Mareekanka ka geysteen Gedo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xooggan oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya iyo Mareykank ay ka fuliyeen gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntaasi ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayadoona halkaas ay waxyeelo kusoo gaartay.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta gobolka Gedo duqeynta ayaa ka dhacday degaan 20 KM u jira Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Deegaanada taargetka ahaa oo duqeyntu ka dhacday mudooyinkii dambe ayaa kala ah siriima kantama oo hoostaga degmada Baardheere  halka war gaduudo ceel cadde oo hoos yimaada degmada Garbahaarey ay ayadana duqeymo ka jireen.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Alqaadi ayaa sheegay in duqeyntaasi ay fulisay diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka laguna beegsaday Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo lagu magacaabo  Cabdullaahi Saney.

Inta badan duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka dalalka Kenya iyo Mareykanka ayaa waxyeelo daran waxa ay kasoo gaartaa dadka Shacabka ah.

Gudoomiye Alqaadi ayaa sheegay in ayagu ay kor kala socdaan weerarada ka dhaca Gobolka Gedo asagoona sheegay inay hagitaanka iyo warbixinada ku saabsaan duqayntaas ay ayagu bixiyaan.