Qarax xoogan ayaa galabta casir gaabkii waxa uu ka dhacay nawaaxiga Dekedda Muqdisho Qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Qaraxan oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay meelo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lala damacsanaa askar ka tirsan dowladda Soomaaliya balse ilaa iyo hadda lama sheegin in qaraxaas lala beegsanayay saraakiil halkaas ku sugneed ayadoo baarka uu qaraxa uu ka dhacay ay u badnaayeen dad Shacab ah
Qaraxan ayaa sababay dhimashada 5 ruux halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen iyo sidoo kale Burbur lixaaad leh oo soo gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay.
SAWIRO