Faahfaahin: Qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga laqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay agagaarka Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdosho.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lala beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo kasoo baxay Xerada Villa Baydhabo, waxaana saarnaa Saraakiil ka yirsan AMISOM oo kulan ku lahaa Villa Baydhabo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen intooda badan dad Shacab ah oo marayay wadada u dhaxeeysa Isgoyska Banaadir iyo Villa Baydhabo oo ah halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka duacay, iyaga oo xiray waddooyinka soo gala, waxaana xusid mudan in qarixii labaad oo Maanta ka dhaca uu yahay Magaalada Muqdisho.