Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Gaari loo adeegsaday kaas oo inta badan laga maqlay gudaha Magaalada kismaayo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee Kismaayto,iyada oo qaraxaasi uu waxyeelo u geestay Goob Maqaaxi ah oo dad badan oo Shacab ah ay fadhiyeen.
Sida aan wararka ku helayno maqaayadan ayaa waxaa isagu iman jiray odayaal dhaqameed iyo qaar kaloo kamid ah Egooyinkii soo xulayay xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland.
Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac u badan Shacab dhimashada ayaa dad Goob joogayaal ah waxa ay noogu sheegeen 3 qof halka uu dhaawacuna intaas ka badanyahay.
Waxaa jira Gurmad loo sameeyay Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas waxaana la geeyay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaas oo hadda lagu dabiibayo.
Magaalada Kismaayo ayaa caawa xaaladeeda waxa ay tahay mid kacsan, waxaana wadooyinka magaaladaasi caawa si aad ah u soo buux dhaafiyay Ciidamo gaar ah oo wada amni xaqiijin, kuna daba jira raggi falkan ka dambeeyay.
Saraakiisha laamaha amniga maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi, sidoo kale saraakiisha waxay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxdii falkan geysatay.