Faahfaahin: Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere gaar ahaan wadada soo gasha Xabsigii hore ee Godka Jilacoow.

Sidoo kale Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu hubiyaa laguna baaraa Gaadiidka kala duwan ee u socda dhinaca Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa ayaa la sheegay in uu halkaasi ku qarxay,waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas.

Qaraxa kadib rasaas farabadan ayaa Goobta laga maqlay taas oo la sheegay inay ridayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta ku sugan.