Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan qarax xoogan oo galabta ka dhacay maqaayad ku taalla wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka Ex-Shineemo Somalia.
Qaraxan ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay afaafka hore ee Maqaayadan oo magaceeda la yiraahdo Italian Coffe.
Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan oo si weyn looga maqlay inta badan magaalada, waxaana xiliga qaraxan dhacayey maqaayada ku sugnaa dad fara badan oo halkaas xiliyada galabtii u soo doonta Shaah iyo caffe.
Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhinteen, qaraxan halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, Dadka Qaraxa ku dhintay Waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Gen. Cabdi Bashiir Aadan oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa maqaayada iyo agagaarkeeda sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay ilo kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maqaayadan ay iman jireen dad fara badan oo ay ka mid yihiin shaqaale, saraakiil iyo agaasimayaal ka tirsan heyadaha xukuumada Soomaliya.
Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobta qaraxani ka dhacay, iyagoo rasaas goos goos ah hawada u ridayay si ay ugu kala ceyriyaan dadweyne badan oo halkaas ku yaacay si ay indhahooda ugu soo arkaan khasaaraha goobta ka dhacay.
Gaadiidka dab demiska oo goobta gaaray ayaa demiyey gaadiid badan oo goobta qaraxu ka dhacay ku gubanayey, sidoo kale gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta ayaa iyana ku howlanaa sidii ay isbitaalada u gaarsiin lahaayeen dadka ku dhaawacmay qaraxan.
Saraakiisha laamaha amaanka dowlada ayaan illa hadda ka hadlin qaraxan oo noqonaya kii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca wadada Maka Al-Mukarama.
halkan ka daawo sawirada