Faahfaahin laga helaayo heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah waxa ay ku joogaan dalka Turkiga, iyaga oo kulamo la qaadanayay dhinacyo kala duwan oo Turkiga ka tirsan.

Wasaarada arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasaarada arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa kala saxiiday heshiisyo iskaashi oo labada dal ah.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xalay shir jaraaid waxa ay ku qabteen Magaalada Ankara, iyaga oo faah faahiyay kulamadii dhexmaray.
Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa bogaadiyay Dowladda cusub ee Maxamed Farmaajo, waxaana uu sheegay in Turkiga uu sii laba jibaarayo taageerada tooska ah ee uu siiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda waxa uu uga mahadceliayay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa wuxuu ka warbixiyay heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdeen.

asagoona sheegay in waxii ugu muhiimsanaa ay ka midyihiin iskaashi dhanka dhaqaalaha ah asagoona carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay tahay meel hodan ku ah kheyraadka Badda iyo Kan Beeraha.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa ardaydii Soomaaliyeed ee waxbarashada ay hakadka ka gashay sababo la xariira afgambigii dhicisoobay in waxbarashadooda ay dib u helaan wayna isku afgarteen labada masuul.