Faahfaahin: Dagaal Xalay ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Balcad

Faah faahino dheerasd ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin halka lagu Magacaabo lambar 20 oo ka tirran tuulada Caliyaale oo u dhaxeeysa Wadada xiriirisa Magalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad ku sugan Balcad ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in weerarkaas la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo mid ka mid ah Magaciisa lagu sheegay Maxamed Gaaboow.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalka uu socday mudo ku dhow halsaac,waana markii ugu horreysay oo Al-Shabaab ay fariisinka Ciidanka dowladda ku leeyihiin lambar 20 ay weeraraan 10 Sanno kadib markii lagala wareegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo kuwa Mareykan ah waxa ay howlgal ka fuliyeen tuulooyinka Basra,Daniga Baalow iyo deegaano kale walow ay dib uga soo laabteen.

Si kastaba weerarka xalay ka dhacay deegaan hoostaga degmada Balcad weli kama hadlin maamulka degmadaas iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.