Faahfaahin, Ciidamo Talyaani ah oo lagu qarxiyey Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kolonyo ka tirsan ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho lagu qarxiyey agagaarka Kulliyada Jaalle Siyaad, degmada Hodon, G/Banadir.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Gaari uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa qabsaday mid ka mida gawaarida Kolonyada ciidamada Talyaaniga oo ka mida ciidamada Midowga Yurub ee taageera dowladda Somalia, iyagoo ee si joogto ah u taga Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa la sheegay inuu qasaare dhaliyay oo gaariga la wareeray waxyeello culus soo gaarsiiyey.

Ma aha markii koowaad ee ciidamada Talyaaniga lagu qarxiyo Jidkaasi, waxaana hore qarax sidan oo kale ah loola bishii Oktoobar 2018, Xilligaas oo ay sheegeen inuusan wax qasaare ah kasoo gaarin.