Faahfaahin: Aqriso Magacyada saraakiisha Sare ee Puntland looga dilay Weerarkii Af-urur ee Alshabaab

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerarkii weynaa ee kooxda Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Daraawiishta Puntland ee Af-urur ee Gobolka Bari.

Weerarkaas ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 45 ka mida ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay ku jiraan saraakiishii ugu sareysay ciidamadaasi, sida taliyaha saldhigga iyo ku xigeenkiisii.

Magacyada Saraakiisha lagu dilay weerarkii waaberigii saaka ee saldhigga Af-urur waxaa ka mida:

1- Col. Shire Cumar Cali

2- G/Dhexe Maxamed Saalax Jaamac Tusbaxle

3- G/Dhexe Warsame Muuse Axmed

Wasiirka Amniga Puntland ayaa dafiray in ciidamo badan looga dilay weerarkii Alshabaab, wuxuuna sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay u badan yihiin caruur iyo shacab.