Waxaa goordhow Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka galmudug.
Marxuumka ayaa waxa uu ku dhaawacmay rasaas lagu furay Gaari uu watay xili uu marayay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zayidka ee Magaalada Muqdisho kadibna uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Waxa la sheegay in Xildhibaanka Gaariga watay uu ahaa xildhibaan Maxamed Abuukaate oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaan Abuukaate oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaarigiisa uu ku dhacay gaariga kale ee xildhibaanka geeriyooday taasna ay sababtay in ay ka shakiyeen ilaaladiisa.
Waxa uu sheegay markii labada gaari ay isku dhaceen in uu Baastoolad la soo baxay Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed deetana uu rasaas ku riday mid ka mid ah ilaaladiisa dhaawac ahaana isbitaal loogu qaaday in kastoo oo markii dambe uu geeriyooday.
Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabe oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa asna warbaahinta u xaqiijiyay geerida Marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed, waxa uuna uga tacsiyeeyay Ehelkiisa in Samir Iimaan uu Eebe ka siiyo.