Ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar saf balaaran ah waxa ay ku soo qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dagaalyahanada Al-shabaab oo watay Hubka nuucyadiisa kala duwan sida dadka degaanka ay sheegeen ayaa weerarkooda waxa ay ka soo bilaabeen dhanka Wabiga, halkaasi oo u dhow fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin.
Dadka degaanka ayaa sheegay dagaalka in mudo kooban uu ka socday xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee degmada Afgooye, halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.
Sidoo kale dadka degaanka ayaa inoo sheegay dagaalka intii uu socday in ay maqleen Madaafiic ku soo dhacday Wabiga, balse aanay garaneyn cida sida rasmiga ah u riday.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in ay dib u ruqaansadeen Dagaalyahnadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday, maadaama Ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen.
Ilaa hada si dhab ah looma oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan xalay ka dhacay degmada Afgooye, balse waxaa jira khasaare soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.
Xaalad cabsi ah ayaa saakay ka jirta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dadka degaanka ay yihiin kuwo feejigan.